Ahmed Sh. (Hareed)

HAMBALYO IYO BOGAADIN

 


Arooryo suuban saaxiibayaal

Saaxiibadii ay masiibooyinka waayaha adduunku nakala firdhiyeenow, saaxiibadii sharafta iyo qaderinta iga mudnaayow, saaxiibadii aan xiriirka  birta ah lahaynow, saaxiibadii midba midka kale naftiisa u hurijirow, saaxiibadii muddada dheer usoo kifaaxay kobcinta iyo dhisidda ciidankow, saaxiibadii waqtigi noloshooda ugu qiimaha badnayd ciidanka ku tabarrucow, saaxiibadii heeganka u ahaan jiray difaaca xoriyadda iyo haybadda qarankow, saaxiibadii waranka caaraddiisa iyo gaashaanka adag ciidanka u ahaan jirow, saaxiibadii lafdhabarka lamaloodiyaanka ciidanka u ahaan jirow, saaxiibadii aan xataa hurdada ku  ledijirin oo hal il ku soo jeedi jiray darteed difaaca iyo ammaangelinta hawada dalkow,   saaxiibadii aan waxqabadkoodi cidi dafirikarinow, saaxiibadii aysan wali ka go’in xanafti iyo xaaddi dareenka waddan jacaylkow, saaxiibadii aan cabashada iyo cabsida aqoonow, geesiyadii heehaganka u ahaan jiray ammaan gelinta hawada dalkow,  munaaradi horseedka ciidankow, naftooda hurayaashi dhiigooda qaaliga ah u daadiyay dalkow, hargaantiyadi (hunters) aan goonibaarka (target) cadawga lagefi jirinow, surun-gooyeyaashii (interceptors) diyaaradaha cadawga ciideenna  ka caajiyow, cududdi aan waligeed cudurka kansarkaaa  ee qabiilku saamaynow, khubaradii iyo ab’ogaagii ciidankow,  waxaa farxad weyn ii ah, maanta oo ah 15 Febaraayo, kuna  beegan sannad guuradii 48aad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ciidanka cirka Soomaaliyeed, inaan munaasabaddaan qaayaha iyo qiimaha badan darteed u soo gudbiyo  dhammaan C.Cirka: Saraakiil, S/xigeen, Alifleey, Dableeydi, xaasaski, carruurti iyo faraca carruurtooda, shirkaddii haybadda qaranka Soomaaaliyeed ee Soomaali Airlines iyo garabka diyaaradaha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo labaduba badankoodu ka soo farcamay C.Cirka Soomaaliyeed, salaan kal iyo lab ah, hambalyo iyo bogaadin diiran xagal kasta  oo aad maanta dalka iyo daafaha shanta qaaraddood uga nooshihiin.

Ilaahay aan kawada barino inuu naga dhigo kuwii ku wada kulma waadiga jannada, marxuumiintii u dhimatay ayagoo waajibkoodi gudanaya iyo kuwii bas u dhintayba ka waraabiyo jannadii firdowsa… Aamiin.