Ahmed Sh. (Hareed)

Gabadha kaliya ee ugu horreeysay ee noqota Duuliye

Boggani waxuu khaas u yahay gabadhi ugu horreeysay ee Duuliye ka noqota Ciidanka Cirka Soomaaliyeed. Waxay tababbarkii koowaad ku qaadatay Dalka gudihiisa, Dugsigii Qaranka ee Tababbarka Duuliyeyaasha ee Xamar, waxay kaloo tababbarro Diyaarado kala duwan u aadday Dalalka Talyaaniga iyo Ameerika. Dugsigaas waxaa la'aas-aasay 1973, waxaana macallimiintii ugu horreeysay ka noqday: Duuliye Jeylaani Suufi, Duuliye Max’ed Xaaji Dhagax, Duuliye Max’ed Jaamac "M.J", Duuliye Max’ed Max’ud "Weli", Duuliye Max’ed Max’ud "Baliille" iyo Duuliye Shaahir Cabdi Afrax .

Dugsigaas waxaa ka baxay sannadihii u dhexeeyay 1973-76 dii dhowr Duuliyeyaal oo Soomaali ah oo qaarkood ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Soomaliyeed iyo (11) "kow iyo toban" Duuliye oo loo tababbaray Dalka Burundi. 1980, Dugsigaas magaciisi waxaa loo beddelay: Kulliyadda Jan. Daa’uud ee C. Cirka, waxaana Kismaanyo loo raray 17/07/80kii.

a

09/09/76, waa maalin xusuus gaara u ah Ciidanka Cirka iyo taariikhda Gabdhaha Soomaaliyeed, waa maalintii ugu horreeysay ee geesiyaddii gabdhaha Soomaaliyeed ay kaligeed (solo) ku duusho diyaarad Cessna 150 ah, iyadoo baal cusub u furtay in gabadha Soomaalieed aysan wiilka ka gaabin, dharaar cadna waxay jebisay heerki raggu xayndaabka ka dhigtay. Duullimaadkaas kaddib Ciidanku wuxuu ugu waqlalay "Dhiirran", hase yeeshee, magaceennii waxaa ka xoog batshay kii "Calansida" oo dadweynaha Soomaaliyeed uga baxsheen shirkii dib u heshiisiinta ee 2000 lagu qabtay magaalada "Carte" ee Jamhuuriyadda (Djibouti).

Sawirro xambaarsan Taariikhda  Duuliye Asli Xasan Cabaade
“Asli-Calansida”

a

Waa maalintay "Asli Dhiiran” ay kaligeed ku duushay (solo) Diyaarad Cessna ah oo markay bed iyo samatabax ku soo degtay Diyaaradda, uu Taliyihii C.Cirka Duuliye Maxamud Maxamed Guuleed si diirran ugu hambalyeeynayo iyo mid ka mid ah macallimiinteedii Duuliye Shaahir Cabdi Afrax.

Duuliye Asli ayadoo aad u faraxsanayd, oo ay natiijo fiicanna ka gaartay dadaalkeedii sarreeyay, ayeey gabay-gan u tirisay Dayaaraddeey ku duushay, waxayna tiri:

Dayaaradyahay i dhageeyso  **  Anigoo Dalkeeyga Hooyo jooga
Waataan kula duulay oon  **  Kugula dul-sabbeeyay Cirka
Waataan kugula dul-maray  ** Duushii Caasimaddeenna Muqdisho
Waataan kugu soo hagaajiyay  ** Garoonkii Dayaaradaha
Waataan dib u waydiistay ** Hagihii Dayaaradaha
Waatii la' ii kaa oggolaaday ** Dib u soo noqoshadaadii
Waataan diiradda kuugu soo saaray ** (I L S) kii (Runway) ga
Waataan cagaha kuugu soo dul dhigay ** (Runway) gii garoonka
Waataan farxad daraaddeed ** dib kuula duulay markale
Waataan daawasho bilaabay iyo ** daymadii quruxda Muqdisho
Waataan kula soo dulmaray ** Baddeennii baaxadda waynayd
Waataan dib cagaha kuugu soo duldhigay ** garoonkii Dayaaradaha
Kaddibna farxad diirran iyo ** la' igu soo dhaweeyay dhiirragalin
Salaan aan digtoonoow ka siiyay buu ** Taliyihii iga guddoomay
Kaddibna taariikhdaa la' igu daray ** Duuliye inaan noqday
Daa'imkaa mahaddaa leh iyo ** Madaxwaynaheenna ii oggolaaday
Daa'imkaa mahaddaa leh iyo ** Duuliyayaashii i tababbaray

Sawirkaan, waa saraakiishii iyo s/xigeenkii isugu jiray noocyada xirfadaha Ciidanka Cirka ee maalintaas u xilsaarnaay hawlahii taakulaynta iyo gargaarka ee Duullimaadkii Taariikhiga ahaa ee Aslicalansida kaligeed lagu sii daayey oo "15" kii daqiiqo ee qiirada, kurbada iyo walwalka badneeyd ee duullimaadku socday ugu dhammaaday, shukrinaq, farxad iyo rayn rayn iyo Duuliyihii ugu horreeyay oo Gabar ah ee ku soo biirtay Duuliyeyaashi C.Cirka Soomaaliyeed.

Safka taagan midig: Duuliye Xaashi Andufaa, kalkaaliso caafimaad Faaduma, Duuliye Shaahir Cabdi, Duuliye Asli, Duuliye Axmed Max’ed Yaroow, Max’ed Macallim,Yuusuf Bistey, Max’ud Ilkacase, Cabdulqaadir Shire Colaad iyo saddex S/xigeen, oo uu midka dambeeya yahay darawalki Taliyaha Ciidanka "Carrabeey".

Safka fadhiya midig: Cali "Hurdaaye", Duuliye Cabdi Max’ed Jaamac Xarbi, Cali Cabdulle Nuur, Axmed "Hareed", Shariif Axmed, Daahir Gaashaan iyo sargaal aan magaciisi xasuusan.

a

Waa xafladday Asli, gurigeeda ugu dhigtay habeenki qaar ka mid ah gabdhaha iyo asxaabteedii Ciidanka, ka dib kolkay maalintaas kaligeed (solo) duushay.

Sawirka kore ee bidix, labada taagan waa: Duuliye Asli iyo walaalkeed "Engineer" Maxamed Xasan Cabaade, ka fadhiyee taaganna waa: Duuliye Maxamed Sheikh,  Shiine iyo saraakiishii C. Cirka Soomaaliyeed.

Sawirka kore ee midig, waa Duuliye Maxamed Sheikh oo (Cake) afka u galinaaya Duuliye Asli iyo asaxaabtii Duuliyayaasha kale oo ku wada heeraarsan.  Sawirka hoose ee bidix, laga billaabo kuwa fadhiya waa: (Engineer) Maxamed X. Cabaade, Duuliye Cosoble, Duuliye Bashiir Cadceed, Duuliye Axmed Maxed Yaroow iyo dhammaan saraakiishii C. C. iyo Eheladii Duuliye Asli oo ay dhexda uga jirto.

1979, waa Duuliye Asli-Calansida iyo Duuliyeyaashi kale oo tababbarka u jooga dalka Talyaaniga si ay ugu takhasusaan Diyaaradaha SF-260W

Safka taagan Midig; Shaahir Cabdi Afrah, Faarax Xaaji Salaad, Cabdi Yoonis Cawaale, Asli Xasan Cabaade, Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Yare) iyo Max’ud Max’ed "Baliille"

Safka labaad Midig; Khaliif Ciise iyo Jii-kameruun. Safka saddexaad Midig; Ahmed Max’ed Yaroow iyo Axmed Cabdi "Shiine".

Waa Duuliye Asli oo runway-ga billaawgiisa taagan oo amarkay ku duuli lahayd ka sugaysa kuudka"tower"-ka laga hago diyaaradaha.

Waa Duuliye Asli oo ka soo laabatay duullimaadkii diyaaradda SF-260W

Waa Duuliye Asli iyo Asaxaabteedii dugsigii Qaranka ee Duuliyeyaasha oo tababbar u jooga Dalka Talyaaniga. Safka taagan Midig; Khaliif Ciise, Xasan Yare, Asli Calansida, Macallin Bruno (Instructor) iyo Faarax Xaaji.

Waa Duuliye Asli oo tababbar u joogta Dalka Talyaaniga oo goor dhow iyada iyo macallinkeedu (Bruno) ka yimideen duullimaad.

Waa duuliye Asli iyo saraakiil kale oo ku hor sawiran dayuuradda Piaggio 166s.

Midig; Cabdullaahi, Barre, Asli-Calansida, (Engineer) Talyaani ah iyo M.M. Baliille oo garoonka Kismaayo taagan.

Asli mudooyinkii danbe waxaa tababbar kale loogu soo diray waddanka Mareeykanka, Dugsiga wayn ee lagu tababbaro Duuliyayaasha Adduunka, loona yaqaanno (American Airlines Flight Academy). Halkaasoo ay ka qaadatay ama ku dhammeeysay (Captain) Kabtannimo dayaaradaha Xamuulka, kuwaasoo ay ka mid tahay Air-Bus 300, kaddibna waxey dhammeeysatay tababbar kale oo ah macallinnimo (Instructor).

Fiiro gaar ah,  bogaan waxaa ku socda dhismo, waxaana ku rajo weyn nahay mar dhow inaan ku soo bandhigno  wareysiyo aan ka soo xigan doono Duuliye Asli Xasan Cabaade “Asli calansida” si waayo arganimadeeda ay dhaxal iyo baraarujin ugu noqoto hablaha Soomaliyeed ee mustaqbilka ku rajo weyn inay noqdaan duuliye ama cirbixiyeen (astronaut).